Dhageyso Faah Faahino Cuduro aan la aqoonin oo ka dilaacay Bariga Gobolka...

Dhageyso Faah Faahino Cuduro aan la aqoonin oo ka dilaacay Bariga Gobolka Mudug

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Wararka ka imaanaaya Deegaanka Dhanooda ee Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dilaacay Cudur aan la aqoonin oo aan waligii la arag waxaana Cudurkaasi sida la sheegay u dhintay Dad Fara badan.

Cudurkaan ayaa lasheegay in qofka loo qabanaayo sida naqaska oo kale Xaruumaha Caafimaadka ayaa ku wareersan Cudurkani oo la sheegay in aan waligii la arag Waxaana goobta uu Cudurkaasi ka Dilaacay ay tahay meel Kafog Xaruumaha Caafimaadka.

Suldaan Cabdi Madoobe oo kamid ah Wax garadka Deegaanadaasi  ayaa sheegay in Dhowr Qof ay udhinteen Cudurkani, Dhanka kale Suldaanka ayaa Sheegay in Goobta uu Cudurkani ka dilaacay ay ka fogtahay Magaalada oo wadada ay dhowr qof ku dinteen oo loola soo cararay markii hore Magaalada Gaalkacyo.

Halkan Hoose Riix Faah  Fahino Dheeraad ah

LEAVE A REPLY