Dhageyso-Hal Arin oo qatar ku noqon karta doorashada Madaxweynaha Galmudug uu ku...

Dhageyso-Hal Arin oo qatar ku noqon karta doorashada Madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaqay wasiirka ka tirsan.kadib markii la ogaday

0
SHARE

Dib u heshinta oo ah xalka kaliye ee lagu guleysan karo islamrkana maamulka ahlusan waljeeca ee ku sugan dhuusa mareeb loogu soo dari karo galmudug si ay u guuleystaan shacabka gobolada dhaxe ayaa haddane waxaa jira siyasiin siyaabo kale uga hadlay sida loo wajahayo wada hadlada iyo xilliga loo baahan yahay in la qabto dib heshiintasi si looga gudbo dib u dhac xoogan.

Warbaahinta xogtagalmudug ayaa ku talineysa in doorashada ka hor la qabto dib u heshiin loona tago maamulka ahlusan waljeeca si ay qeyb ugu noqdaan xukuumada cusub ee dhawaan galmudug lagu dooran doono madama ay yihiin caqabad taagan.

Hadaba wasiirka dastuurka iyo dib u heshiinta Galmudug Maxamed Cismaan Socaal ayaa sheegay in ahlusan waljeeca lala xaajoon doono doorshada kadib sida uu hadalka u dhigay inkastoo uusan sheegin sababta uu arintaasi u sheegay .

wasiirka ayaa intaas ku daray in galmudug ay ka go’antahay in dib u heshiin dhab ah ay kala dhax dhigaan dhamaan beelaha Galmudug.

dhawan ayeey aheyd markii xildhibaano ka tirsan Galmudug ay shegeen in uu socdo wada hadalo u dhaxeyo Galmudug iyo Ahlusuna Waljmeca si loo dhameyo waxa ay kala tabanayaan labada dhinac .

Hoos ka Dhageyso wareysiga wasiirka

LEAVE A REPLY