Dhageyso Maamulka galmudug oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka Raban 100Kun...

Dhageyso Maamulka galmudug oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ka Raban 100Kun oo Dollar

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa amaanay ciidanka nabad sugida maamulka Galmudug oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ku qabtay meel ku dhow Cadaado.

Cali Gacal Casir oo ka hadlayey munaasabad Cadaado ka dhacday oo lagu soo bandhigayey gaariga qaraxa lagu soo raray iyo raggii watay ayuu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu abaal mariyo askartii soo qabatay qaraxan, bixiyana lacagtii uu balanqaaday ee aheyd 100,000 kun ee dollar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay raggii waday gaarigaas miineysan loo soo taagi doono Maxkamad, ayna mari doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY