Dhageyso Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Sheganaya “Xaafado ka mid...

Dhageyso Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Sheganaya “Xaafado ka mid ah Kaaraan & Heliwaa Hirshabelle ayay ka tirsan yihiin Hirshabelle”

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka hadlay xuduudaha Maamulkiisa uu la wadaago Gobolka Banaadir iyo halka ay ku eeg yihiin.

Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay xaafaddo ka tirsan Degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan inay ka tirsan yihiin Maamulka Hirshabelle ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay Cali Cabdulaahi Cosoble dad badan oo degan Kaaraan iyo Heliwaa inay isku haystaan inay hoostagaan Gobolka Banaadir, balse aysan hoostagin oo ay si toos ah u hoostagaan Hirshabelle.

Sida muuqata nidaamka Federalka Somaliya hadda ay ku shaqeyso ayaa laga dhaxli doonaa isqab qabsi xoogan oo ku aadan dhanka xuduudaha, hadii aanan si rasmi ah loo kala cadeyn xuduudaha ay kala leeyihiin Maamulada dalka ka jira

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY