Dhageyso Sababta ay Itoobiya Wiil Soomaali ah ugu magacowday Safiirkeeda Somaliya kaasi...

Dhageyso Sababta ay Itoobiya Wiil Soomaali ah ugu magacowday Safiirkeeda Somaliya kaasi oo ka Soo Jeeda Degaanka ,,,,,

0
SHARE

Dowladda Itoobiya waxaa loo arkaa mid halis weyn ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed, walow ay jiraan siyaasiyiin difaaca oo ka soo horjeeda in la dhaleeceeyo.

Laakiin shaki la,aan, Itoobiya waxay ciidamo ka joogaan dalka,waxayna saameyn ilaa iyo heer caalami ah ku leedahay go,aan ka gaaridda ayaaha Soomaaliya,taasi waxaa daliil u ah, sida ay ula saaxiibtay maamul goboleedyada dalka.Shabakaddan wararka siyaasadda ee Baahin.com ayaa xogo badan oo hoose ka heshay xaaladaha hadda jira.

Dowladda cusub ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa la aaminsan yahay inay is-baddel ku sameyn doonto siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan dowladaha deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

Itoobiya oo ka didsan halis uga timaada maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa go,aan ku gaartay inay beddesho safiirkeedii hore ee Wondimu Asamnew,iyadoo soo magacwoday Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ka soo jeeda dowllad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Dhageysato

LEAVE A REPLY