Dhageyso Wararkii Ugu Danbeyay Ciidanka Nisa oo Hobyo Dad Badan ku Xirxiray...

Dhageyso Wararkii Ugu Danbeyay Ciidanka Nisa oo Hobyo Dad Badan ku Xirxiray ,Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

Ciidanka Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay Howgal ka sameeyeen Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, waxaana Howlgalkan lagu xaqiijinayay amniga Degaanada Gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan, kuwaasi oo u badan Dhalinyaro, waxaana looga shakiyay in ay ku jiraan Ragga falalka amni daro mararka qaar ka geysta Gobolkaasi.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda ee Maamulka Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in Howlgalkan lagu soo qab qabtay dad gaaraya 70 Qof, kuwaasi oo hada lagu haayo baaritaano.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY