Dhageyso Wararkii Ugu Danbeyay Golaha Wasiirada Soomaliya oo Lagu Dhawaqayo iyo Ra,iisul...

Dhageyso Wararkii Ugu Danbeyay Golaha Wasiirada Soomaliya oo Lagu Dhawaqayo iyo Ra,iisul Wasaraha oo Liiska Diyaarshay

0
SHARE

Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isul wasaaraha ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu soo magacaabayo golaha wasiirada.

Warar lagu kalsoon yahay oo aynu helnay ayaa sheegaya in RW Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo ay soo gaba gabeeyeen latashiyo ay mudo badan kula jireen xildhibaanada beelaha, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta xilalka doonaya.

Diyaar garow loogu dhawaaqayo liiska golaha wasiirada ayaa ka soconaya guriga RW Xasan Cali kheyre halkaas oo aan xalay laga seexan sida ay wararka sheegayaan.Liiska golaha wasiirada ayaa ahaa kuwa diyaarsan 48-dii saac ee lasoo dhaafay, inkastoo wali uu RW Xasan Cali ku jiray latashiyada beelaha.

Halkan Hoose Riix si aad u Dhageysato Codka

LEAVE A REPLY