Dhageyso Xutiyiinta Yaman oo Xiray Dadkii Dhawaca aha ee Duqayntii Somalida ka...

Dhageyso Xutiyiinta Yaman oo Xiray Dadkii Dhawaca aha ee Duqayntii Somalida ka Badbaaday, iyo Qaramada Midoobay oo Canberaysay Dhacdadaaasi

0
SHARE

Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka waxaana  Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanayey dagaallada ka socda dalka Yemen.

42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay  ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen. Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.

ay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay ka naxday falka lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaaliyeed waxana  Suleymaan Cusmaan Cali oo ka mid ah dadka kunool Sanca ayaa sheegay in xuutiyiintu ay xireen dadkii soo badbaaday.

Hoos Riix si aad Codka u Dhageysato

LEAVE A REPLY