Dowlada Soomaliya oo Dalka ka Musaafurisay AJaanib Sharci Daro ku joogay Soomaliya...

Dowlada Soomaliya oo Dalka ka Musaafurisay AJaanib Sharci Daro ku joogay Soomaliya ,Warbixin Xiiso badan

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa maanta dalka ka masaafurisay Labo nin oo Kenyan ah oo dalka sharci daro ku joogay kuna shaqeysanayay.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda Qeybta Dabagalka ayaa gacanta ku soo dhigay labadan nin waxaana maanta dib loogu celiyay Dalka Kenya.

Hay’adda ayaa labadan nin ka mamnuucday in mar dambe ay dib ugu soo laaban karin dalka waxaana dhammaan Hay’adda lagu wargaliyay in ay ka feejignaadaan cid kasta oo dalka sharci daro ku joogta.

Arintan ayaa ku soo beegan tahay iyadoo Gudaha Soomaliya gaar ahaan Caasimada Soomaliya ay ku Sugan yihiin ajaanib farabadan oo ay Keensadeen ganacsato soomaliyed kuwaasi oo wadanka soomaliya fiiso la,aan ku so galay waxana talabadan ay Qaaday Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliaya si wayn u soo Dhaweyay Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaliyeed kuwaasi oo ku tilmaamay talaabo muhiim ah isla markana dowlada ay sii wado musaafurinta dadka sharci darada ku soo galay Soomaliya

LEAVE A REPLY