Faah faahino dheraad ah Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho maxaa soo kordhay?

Faah faahino dheraad ah Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho maxaa soo kordhay?

0
SHARE

Waxaa maanta qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay Degmada Waabari ee gobolka Banaadir , qaraxan ayaana la sheegay in uusan ka dhalan wax khasaare nafeed ah.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa lagu soo waramayaa in uu lahaa nin katirsan Shaqaalaha dowlada Soomaaliya uuna ka bad baaday qaraxaasi, mana jiraan dad kale oo qaraxa wax ku noqday.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa gaariga lagu xiray la arkay loona wacay ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa qaraxyada ku takhasusay, hasa ahaatee gaariga ayaa qarxay kahor inta aysan ciidamada imaan.

Qarxyada gaadiidka la isugu xiro iyo dilalka qorsheesan ayaa mudooyinkan dambe kusoo kordhay magaalada Muqdisho, mana jiraan cid ay ciidamada amaanka usoo qabteen falalka amaan daro ee Caasimada kusoo kordhay.

LEAVE A REPLY