Isbuuca Geeridii Magool Dib u xasuuso 19March 2004 By Saciid Xaashi Xogolof

Isbuuca Geeridii Magool Dib u xasuuso 19March 2004 By Saciid Xaashi Xogolof

0
SHARE

Isbuuca Geeridii Magool Dib u xasuuso 19March 2004

Allaha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool ayaa ku dhalatay Magalada Dhuusomareeb 1948di Abahed waxa la oran jiray cumar shareeco halka dadka qaar khaliif ugu yeeri jiren caalim gobolada dhexe caanka ah ayu ahaa

Magaca magool waxa bixiyay Ambasador Yusuf Xaaji aadan oo ah aabaha dhalay Fowsiya Yuusuf Xaaji aadan Wasiiradi hore ee Arimaha dibada Soomaliya

Ayadoo yar ayaa loosoo warejiyay Muqdisho waxana u bilawday waayaheda fanka mudo kadib koox faneed ayay u raacday Magalada Hargeysa waxa halkasi kuso dhaweyay hobaladii Gaduudo carwo

Hees la yirahdo Banaadiri ayuu ahaa kii ugu horeyay oo ay qaado ayadoo ku sugan Hargeysa wixi waqtigas ka danbeyay qof codkeda la jecelyahay ayay Noqotay Abwaano badan aya u dhiibay heeso

Halka ugu sareysa Fanka Somaliyed ayay ka gartay waxana lo caleemo saray Boqorada codka Somaliyed heeso iskugu jira Wadani, Jeceyl, aqoon iyo Nabi amaan ayay qaday waxay ka dhex heestay Shirkii Africa ee lagu qabtay Muqdisho hees inta badan wadamada africa caan ka noqotay oo ay la qiiroodeen taasoo lagu magacabay Africa Hurudoy

Heeska Africa Hurudoy ayaa lagu qaday ila 10 wadan oo africa ka mid ah luuqadooda wadamada Africa aya loga yaqaan Magool magaca Dahabkii Somalia.

Dadka Somaliyed aad ayay u jeclayen heesaha Magool waxayna ugu yeeri jiren boqorada codka waxa sido kale loogu magac daray wado ku taalo Dagmada Hodan ee Muqdisho taas oo lo yaqaan Wadada Magool

Masraxa hobalada waabari ayay ka tirsaneyd sanadihii 1969ki ilaa 1993dii kadib waxay u wareegtay Dalka Holand Sababo la xiriira Dagaalo ka dhacay Soomaliya

19 March 2004ti Ayay ku Geeriyotay Magalada Amsterdam Dalka Holand waxana meydkeda la kenay Muqdisho ayadoona si heer sare ah loogu soo dhaweyay waxana marki danbe lagu aasay Duuleedka Muqdisho

allaha u naxariisto Magoo

  • W/Q/ Saciid Xaashi Xogolof

LEAVE A REPLY