Itoobiya oo Danjire u soo magacowday Soomaaliya Waa Kuma Shaqsigaasi?

Itoobiya oo Danjire u soo magacowday Soomaaliya Waa Kuma Shaqsigaasi?

0
SHARE

Dowladda Itoobiya ayaa Danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya, kadib markii uu waqtigiisa dhamaaday Danjirihii hore ee Dowladda Itoobiya u joogay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo dirtay Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar, isagoo horey u ahaa ku xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya.

Sidoo kale Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya waxa uu u yahay Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Itoobiya u qaabilsan arrrimaha Soomaaliya, wuxuuna shaqadan kala wareagayaa C/Casiis Axmed Aadan.

Mulatu Teshome Madaxweynaha Dalka Itoobiya ,ayaa warqad ka soo baxday Xafiiskiisa loogu magacaabay Danjiraha cusub ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho waxaa ay ka mid tahay 83 Safaaradood oo Itoobiya ay ku leedahay daafaha Caalamka.

LEAVE A REPLY