Maamul goboleedkii ugu horeeyey oo war ka soo saaray dhismaha golaha cusub...

Maamul goboleedkii ugu horeeyey oo war ka soo saaray dhismaha golaha cusub ee wasiirada

0
SHARE

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey eeka hadlay golaha cusub ee wasiirada xukuumada Somalia oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu soo dhoweeyey golaha wasiirada, iyadoo Baarlamanka loogu baaqay iney codka kalsoonida siiyaan waxaana warka ay soo saartay Galmudug uu qornaa sidatan:-

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay halkaan uga diraysaa hambalyo iyo bogaadin Wasiirada Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassaan Cali Kheyre uu soo xulay.

Xulashada Wasiirada cusub ayaa muujinaysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu si degan oo Soomaalinimo kujirto usoo doortay Wasiiro aqoon leh, laguna yaqaan karti iyo hufnaan. Xulashadan waxaa kale oo ay muujinaysaa in madaxda Soomaalidu ay ka muuqato bisayl siyaasadeed oo dhiiri galinaysa in dhammaan lagawada qeyb qaato siyaasadda wadan qof walbana ay suuragal tahay inuu ku biiriyo aqoontiisaa iyo kartidiisa marka uu soo maro waqtigu.

Waxaa Baarlamaanka Soomaaliyeed ka rejeyneynaa in Wasiirada cusub la ansixiyo magacaabistooda si waqti uusan uga lumin ummadda Soomaaliyeed laguna dhiiri galiyo siday kaalin weyn uga qaadan lahaayeen inay wax kabadalaan xaaladda wadanku ku sugan yahay haatan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay Ilaahay uga baryeysaa Wasiirada cusub in ay u horseedaan ummadda Soomaaliyeed nabad, midnimo, horumar iyo cadaalad ay kaga baxaan dhibaatada iyo abaaraha hareeyey.

Dhammaad

Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

LEAVE A REPLY