Madaxtooyada Galmudug maxay ka Tirii Baaqii Ra,iiul Wasaraha ee ku adan...

Madaxtooyada Galmudug maxay ka Tirii Baaqii Ra,iiul Wasaraha ee ku adan Dib u Dhigista Doorashada Madaxweynaha Galmudug

0
SHARE

War-Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu soo dhaweeyay baaqii dhawaan u jeediyay Baarlamaanka Galmudug Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ee ku aadaneed in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Galmudug ayaa sheegtay in ay soo dhaweenayaan baaqa Ra’isul Wasaaraha dibna loo dhigayo doorashada si doorashada u noqoto mid xur iyo xalaal ah lana sameeyo dib u heshiisiin kahor inta aysan doorashadu dhicin.

Halkan ka Akhriso War-Saxaafadeedka kadsoo baxay Galmudug

Ayadoo la eegayo duruufaha adag ee Galmudug ku sugan tahay, ayadoo la eegayo baahida deg deg ah ee loo qabo in la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo loo baahan yahay dib u-heshiisiin iyo is afgarad ka dhaca dhammaan deegaanada Galmudug, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in doorashada laqabanayo ay tahay mid ay si wada jira uga wada qeyb galaan Dowaldda Federaalka iyo beesha caalamka si doorashadu u noqoto mid xora, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku didaaleysaa in ay ku qabato doorashada si hufnaan leh.

Hadaba, annagoo tixgalineyna gurmadka loogu jiro sidii loo samata bixin lahaa dadka abaaruhu ku habsadeen, annagoo kawar dhowreyna dhameystirka Golaha Fulinta ee Dowladda Federaalka si ay u fududeeyaan ugana qeyb qaataan doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa Dowlad Goboleedka Galmudug waxay soo dhaweyneysaa soo jeedintii kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana Dowladda iyo Golaha Baarlamaanka Galmudug waxay kawada tashanayaan waqtiga ugu haboon ee laqaban doono doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ugu baaqaysaa shacabka ree Galmudug inay ugu diyaar garoobaan doorashada si wadajira kana qeyb qaataan xasiloonida iyo degenaasha Galmudug.

Kusimaha Xafiiska Madaxweynaha ahna
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug

LEAVE A REPLY