Madaxweyne Farmaajo oo maanta Baarlamaanka Horgeenaya Ra’isul Wasaraha uu soo magacaabay

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Baarlamaanka Horgeenaya Ra’isul Wasaraha uu soo magacaabay

0
SHARE

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdiosho uu ka furmo kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Furitaanka kalfadhiga 1-aad ee Baarlamanaka Soomaaliya kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu Baarlamaanka horgeenayaa kana codsanayaa in codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabay.

Xildhibaamnada Baarlamaanka ayaana codka kalsoonida siinaya ama u diidaya Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in Xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixin doonaan R/Wasaaraha.

Mid kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka oo la hadlay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegay in rajo weyn ku qabaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa marka uu codka kalsoonida helo kadib in uu soo dhiso Xukuumada tayo leh, waxaana Xukuumada uu soo dhiso mar kale iyana la horgeyn doonaa Xildhibaanada golaha shacabka

LEAVE A REPLY