Dhageyso Markab ku xiran lahaa Dekeda Muqdisho oo qarka u saaran inuu...

Dhageyso Markab ku xiran lahaa Dekeda Muqdisho oo qarka u saaran inuu caariyo

0
SHARE

Markab sida konteenaro ayaa goor dhow ku caariyay meel u dhow xabsiga Muqdisho, iyadoo isku dayo la doonayay in Markabkan lagu soo xiro Dekeda Muqdisho uu guuldareystay.

Markabkan oo magaciisu yahay MSC Postano ayaa maanta duhurkii la doonayay inuu ku soo xirto Dekeda, balse cilad haleeshay matoorka markabka iyo farsamo la’aan ayuu ugu soo xiran waayay Dekeda.

Waxaa aad u yar rajada laga qabi karo in Markabka ku xirto Dekeda, waxaana wali socda dadaalada la doonayo in Markabka loogu soo jiido dhanka maraakiibta ay ku xirtaan.

Markabka ayaa haatan sabeynaya xeebta meel u dhow Isbitaalka Martiini iyo Xabsiga Muqdisho, waxaana badda oo biyo yar darteed ay suura geli la’dahay in loo jiido dhanka Dekeda.

Halkan Hoose Riix si aad u Dhageysato Warbixinta

 

LEAVE A REPLY