Nin Saakay Xaaskiisii ku Gowracay Magaalada Guriceel

Nin Saakay Xaaskiisii ku Gowracay Magaalada Guriceel

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay Nin ka mid ah Dadka Degaanka uu Xaaskiisii ku Gowracay Gudaha Magaalada.

Ninkaan oo lagu Magacaabo Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad ayaa la sheegay in Madaxa looga jiro,waxaana uu Bireeyay Xaaskiisii oo ay isku dhaleen illaa 7 Carruur ah.

Xaaska la Gowracay ayaa Magaceeda waxaa lagu sheegay  Canab File ,waxaana Ciidamada Maamulka Ahlusunna ay qabteen Gacan ku dhiiglihii Falka Foosha xun geystay.

Dadka ku nool Magaalada Guriceel ayaa dhacdadaan waxaa ay ku noqotay Amakaag,iyadoo ay tahay middii ugu horeysay ee Degmada ka dhacda.

LEAVE A REPLY