Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (Daawo...

Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow abaarihii 1:30 daqiiqo duhurnimo waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Daryanka qaraxan oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa warar hordhac ah oo na soo gaaraya waxay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka hotelada Naasa hablood & City Center oo ku yaalla inta u dhexeysa taalooyinka Xaawo Taako iyo daljirka Dahsoon.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay hormarta hoteladaas uu si lama filaan ah u qarxay.

Goob ku jooge ku sugnaa goobtaas ayaa allbanaadir u sheegay inuu arkay gaariga qarxay iyo gaadiid kale oo goobtaas ku gubanaya.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Ambalaasyada ayaa halkaas gaaray si ay u badbaadiyaan dadka ku dhaawacmay qaraxan oo bartilmaameedkiisa saxda ah aan la ogeyn.

Ugu yaraan shan ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen qaraxan gaariga loo adeegsaday, kuwaasoo loo qaaday isbitaalada, lamana soo sheegin cid ku dhimatay.

Halka uu qaraxu ka dhacay aya waxaa aad ugu dhow maqaayada Banooda oo dad badan ay ka cunteeyaan, waxayna aheyd xiliga qadada.

Hotelada iyo maqaayadaha ku yaallo goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa waxaa aad u isticmaala masuuliyiinta iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya.

Ciidamada dowlada ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay oo aan wax badan ka fogeyn agagaarka tiyaatarka Qaranka oo maalmo ka hor uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari miineysan kaasoo dad badan ay ku dhinteen.





LEAVE A REPLY