Sawiro Banaanbax Xoogan oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Sawiro Banaanbax Xoogan oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Waxaa maanta Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho lagu qabtay banaan bax balaaran oo lagu taageerayay laguna soo dhaweenayay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya uu dhawaan soo dhisay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Banaan baxa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna dadkan wateen boorar ay ku taageerayaan Golaha Wsaiirada Xukuumada Soomaaliya iyo sidoo kale astaanta calanka Soomaaliya,

Gudomiyah Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolka ayaa kasoo qeyb galay banaan baxa lagu taageerayay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna dadku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin golaha Wasiirada cusub.

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho taageersan yihiin soona dhaweenayaan Golaha Wasiirada cusub, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka in codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub.

Dadkii kala duwanaa ee ka hadlay banaan baxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa si isku mid ah waxa ay usoo dhaweeyeen golaha Wasiirada cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre, waxa ayna ilaah ugu baryeen in waajibaadka qaran ee loo igmaday la garab isataago.

Banaanbaxan maanta ka dhacay Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee lagu taageerayo Golaha Wasiirada Soomaaliya ee la qabto, waxa ayna Shacabku cod dheer ugu baaqeen Xildhibaanada Baarlamaanka in codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub.















LEAVE A REPLY