Siyasiiyiin ka Soo jeeda Galmudug oo Dalbaday in Dib loo dhigo Doorashada...

Siyasiiyiin ka Soo jeeda Galmudug oo Dalbaday in Dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha galmudug

0
SHARE

HM__Xafiiska gaalkacyo Ayadoo xildhibaanada baarlamaanka galmudug ay isku diyaarinayaa doorasho ka dhacda deegaanada galmudug oo lagu doorto madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ka dib iscasilaadii madaxwayne guuleed ayaa waxaa soo baxaya walaac ay siyaasiyiinta qaar ka qabaan qabsoomida doorashadaasi ka dhacaysa galmudug
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galmudug oo la hadlay codkamudug ayaa sheegay in waqtigaan aysan ku haboonayn in galmudug doorasho ka dhacdo loona baahan yahay in dib loo dhigo doorashadaasi
Siyaasiyiintaan ayaa dib u dhiga doorashada galmudug u sababaynaya xaaladaha adag ee haatan ka jira deegaanada galmudug sida abaaraha waxay kaloo dalbanayaa in la qabto dib uhashiisiin sax ah ka hor inta aan doorasho loo dareerin lagana qayb galiyo doorashadaasi maamulka ahluna oo haatan jooga caasimada galmudug ee dhuuusamareeb
Warar hoose oo ay heshay codkamudug ayaa sheegaya in ay u badan tahay in doorashada galmudug dib loo dhigo

LEAVE A REPLY