War Dag Dag ah Guddoomiye Jawaari & Ra’isul wasaare Kheyre oo kulan...

War Dag Dag ah Guddoomiye Jawaari & Ra’isul wasaare Kheyre oo kulan deg deg ah isugu yimid (Maxaa ka soo baxay)

0
SHARE

Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa caawa kulan deg deg ah la qaatay guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari.

Golaha wasiirada ee uu soo dhisay dhowaan RW Xasan Cali Kheyre ayaa xaalad adag waxay ka soo wajahday Guddoomiyaha baarlamanku soo saaray talo soo jeedin ku aadan inuu dib u eegis ku sameeyo golihiisa cusub ee wasiirada, waana taas mida keentay kulankan.

Jawaari ayaa qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto.

Xildhibaanada warqada qoray ma sheegin qaabka loogu xad gudbay awood qeybsiga beelaha balse waxaa iska cad in arintu ku saabsan tahay kala bedel shaqsiyaad la wato.

Labada masuul oo Kulankooda caawa uu ahaa mid saacado qaatay oo albaabada loo laabay ayaa wararku ku dhow dhow waxay sheegayaan ineysan jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay.

Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood gudahood ah oo uu Baarlamanka ku horgeynayo golihiisa cusub ee wasiirada, waxaana u furan inuu wax ka bedelo golihiisa wasiirada iyo inuu sidooda u daayo.

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayey ka daadegi la’dahay magacyada xubno uu watay oo laga waayey liiska golaha cusub ee wasiirada xukuumada Somalia, taasina waxay ku xambaartay inuu abuuro jawi siyaasadeed oo cakiran.

LEAVE A REPLY