Weerar dil lagu geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino...

Weerar dil lagu geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxay

0
SHARE

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa weerar gaadmo ah ku dilay degmada Dharkeynley ee magaaladan Muqdisho askari ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Askarigan oo lagu dilay halka loo yaqaano Jiirada Macalin Nuur ayaa magaciisa lagu sheegay Mowliid Maxamed.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in kooxaha dilka geystay ay horey u sii qaateen qori uu ku hubeysnaa askariga la dilay, ka hor inta aysan goobtaas ka baxsanin.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyagoo qaaday meydka askariga la dilay, waxayna sidoo kale halkaas ka wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan ragga dilka geystay.

Dilal kala duwan oo isdaba joog ah ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku soo badanayey magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu qaarajiyey Nabadoono, askar, shaqaale dowladeed iyo dad kale.

Dilkii u dambeeyey ayaa saaka ka dhacay wadada buundooyinka markii nin ganacsade ah uu ku dhintay qarax ka dhashay miino loogu xiray gaarigiisa.

LEAVE A REPLY