Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo kasoo Horjeestay Xukuumadda Cusub.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Oo kasoo Horjeestay Xukuumadda Cusub.

0
SHARE

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo hor-jeestay Xukuumadda cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo ku hanjabay in aanay codka kalsoonida siin doonin.

 

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com Xildhibaanadan ayaa xalay kulamo ku lahaa qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho, waxayna wadeen is uruursi iyo abaabul xooggan.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah illaa 68 Mudane oo ka soo horjeeda Xukuumadda cusub ee la soo magacaabay ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistii Wasiirada cusub, waxaana uu sheegay inay codka kalsoonida aanay siin doonin.

“Nagalama tashan, dad gaar ah oo saaxibo yihiin oo hey’ado iskala shaqeyn jireen ayuu kala tashaday, anagana albaabada ayaa nagala celinayay, waxaa sameyn doonaa marka la hor-keeno Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida u diidi doonaa, mana la shaqeyn doono”ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay Muqdisho ku yeelan doonaan kulamo ballaaran oo ay ugu soo hor-jeedaan Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Guux badan ayaa ka soo baxayay Xildhibaanada Baarlamaanka, tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada, waxaana jiray Xildhibaano doonayay inay ka soo muuqdaan Golaha Wasiirada oo iska waayay liiska, gaar ahaan Xildhibaanadii ka soo horjeeday dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii u ololeynayay is bedelka.

LEAVE A REPLY