Xog :QM oo Wada Qorshe Ciidamada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo la...

Xog :QM oo Wada Qorshe Ciidamada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo la isugu Darayo Kadib Dagaalkii Gaalkacyo

0
SHARE

HM__Xafiska Gaalkacyo Warar hoose oo aynu helnay waxay sheegayaan in uu socdo qorshe ballaaran oo maaamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ay ku sameysanayaan ciidamo isku dhaf ah, islamarkaana ka howlgalada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaa noqonaya Booliiska sugaya amniga, waxaana ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan xaafaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo sida aan xogta ku helanay.

Sarakiil ka tirsan Puntland  iyo Galmudug ayaa inoo sheegay in qorshahan ay keentay QM, gaar ahaan xafiiska Muqdisho, si loo helo amni buuxa oo Gaalkacyo ah.

Ciidamadan weli waqtiga la isku darayo ma aanan helin, balse waa qorshe loo maleynayo inuu yahay mid fog.

Puntland iyo Galmudud ayaa marar badan ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo, hase ahaatee hadda waxaa la doonaayaa in Labada dhinac lasoo celiyo walaalnimadooda.

Wixii Warar ah oo ku soo kordha Kala Soco hobyomedia.com

LEAVE A REPLY