Xog sirdoon: Masar oo qorsheyneysa dabin ka dhan ah Itoobiya

HM__Oslo Norwey Wakaaladda wararka ee Koonfurta Suudaan (South Sudan News Agency) ayaa baahisay waraysi khaas ah oo ay la yeelatay jaajuus hore oo ka tirsaanaa sirdoonka dalka Uganda, waxayna wakaaladdu sheegtay in dowladda dalka Masar ay si firfircoon raad ugu leedahay istaraatiijiyad milatari oo qarsoon oo ka dhan ah biyo xireenka ay Ethiopia ka dhisayso Webiga-Nile.

Waxay kaloo dowladda Masar caawimaad milatari oo dhinac walba leh siisaa dowladda Koonfurta-Suudaan oo dagaal kula jirta mucaaradka uu hoggaamiyo Riek Machar oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee Koonfurta-Suudaan oo hadda madax u ah jabhadda lagu magacaabo (South-Sudan Liberation Movement/Army “SPLM/A).

James Moises oo horey uga tirsanaa sirdoonka dalka Uganda ayaa sheegay in labada dowladood ee Uganda & Masar ay ku heshiiyeen sanadkii hore laba arrimood oo kala ah biyo xireenka Ethiopia ay dhisayso sidii laga yeeli lahaa iyo burburinta jabhadda dagaalka kula jirta dowladda Koonfurta-Suudaan.

“Marka hore, Masar waxay ku guuldaraysatay olole diblomaasiyadeed oo ay si joogto ah ku baadi goobaysay waddadii ay ku joojin lahayd dowladda Ethiopia biyo-xireenka korontada dhaliya ee ay ka dhisayso Wabiga-Nile, marka labaad Ugadna, iyaduna waxay taag iyo tabarba u weyday inay burburiso mucaaradka ku kacsan dowladda Koofurta-Suudaa ee SPLM, waana labadaas arrimood waxa mideeyay Kampala iyo Qaahira,” ayuu yiri James Moises.

Wuxuu kaloo intaa ku daray, “Ethiopia way rumaysan la’dahay in Qaahira iyo Kampala ay ka wadahadlayaan wax la xiriira biyo xireenka ay ka dhisaysanayso Wabiga-Nile”.

“Tani waa istaraatiijiyad qarsoon oo ka dhan ah dowladda Ethiopia” ayuu yiri.
Moises wuxuu wakaaladda wararka Koonfurta-Suudaan u sheegay in qorshe uu soo dajiyay madaxweynaha Uganda una soo bandhigay dhiggiisa Qaahira Cabdulfatah Al-Sisi bishii December 2016, wuxuuna qorshuhu ahaa “Haddii Qaahira ay ogolaato inay hub iyo rasaas ugu deeqdo dowladda Juba oo ay Kampala ku doonayso in lagu jabiyo mucaaradka SPLM, Kampala waxay fulin doontaa tallaabo walba oo ay ku taageerayso Masar oo lagu burburiyo biyo xireenka ay Addis-Ababa ku howlan tahay, wuxuu kaloo Museveni waa madaxweynaha Uganda’e uu Al-Sisi u ballan qaaday inuu keeni doono taageerayaal kale oo arrinkaas biyo xireenka diidan oo madaxda waddamada Bariga-Afrika ah oo taageeri doona Masar”.

Masar waxay hub iyo rasaas siisaa Koonfurta-Suudaan.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Ninkaasi jaajuuska Uganda ahaan jiray wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in Masar ay hub casri ah ugu deeqday dowladda Juba iyo qalab milatari oo casri ah, isagoo intaa ku daray in Kampala ay u gudbiso hubkaas dowladda Koonfurta-Suudaan.

Arrintan shaac ka qaadista ah maaha markii ugu horreysay ee uu James Moises ka dhaawaajiyo waxaa jira waqtiyo kale oo uu wax kashifay.

Bishii Julay 2013, in ku dhow 4 bilood oo Koonfurta-Suudaan dagaal sokooye ka socday ayuu qoray maqaal uu ku sheegay in madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu faraha kula jiro arrimaha Koonfurta-Suudaan, taasoo sababtay ammaan-darro ku baahda dalalka Bariga-Afrika iyo Adduunkoo idil, ayna sabab u yihiin ciidamada Uganda ee farakutirska ah ee ku sugnaa Koonfurta-Suudaan kahor dagaalka ka qarxay dalkaas.

Moises wuxuu ka digay bishii November 2015 in heshiiskii nabadaynta Juba ee la gaaray bishii ka horreysay August 2015 uusan miro-dhal noqonayn wuxuuna dusha u saaray arrintaas in labada madaxweyne Salva Kiir & Moseveni ay horey usoo qorshaysteen dabin looga hortago hirgalinta heshiiskaas, wuxuuna dabinku ahaa in mucaaradka uu hoggaanka u hayo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta-Suudaan Riek Machar ay caasimadda Juba u yimaadaan hirgalinta heshiiskii IGAD kaddibna abaabulaan dagaal.

Bishii lasoo dhaafay February 2017 taliyaha milatariga mucaaradka ayaa ku eedeeyay Masar inay duqayn xagga cirka ah ka gaysatay goobaha ay fariisimada ku leeyihiin jabhaddooda SPLM ee magaalada Kaka ee ku taala Nile-ka-sare, laakiin Qaahira waa diiday eedeyntaas.

Mucaaradku waxay kaloo sheegeen in bishii January 2017 ay Masar iyo Koonfurta-Suudaan ay gaareen heshiis qaab-daran oo ahaa inay labada waddan heshiis kuwada gaareen sidii lagu burburin lahaa biyo xireenka korontada ee Ethiopia ka dhisayso Wabiga-Nile.

W/QMaxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements