(8) isbedel oo Madaxweyne Farmaajo ku soo kordhiyay Madaxtooyada Villa Somalia

(8) isbedel oo Madaxweyne Farmaajo ku soo kordhiyay Madaxtooyada Villa Somalia [Akhriso]

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isbedello laga dareemay kusoo kordhiyay Villa Somalia tan iyo intii uu xilka la wareegay.

Farmaajo ayaa ololihii doorashada ku sameeyay ballanqaadyo waaweyn oo ay ugu horeeyaan la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta amaanada dadka.

Muddo 40 casho ah kadib madaxweyne Farmaajo dhaqamada uu ku soo kordhiyay Villa Somalia waxaa ka mida:

1- Inaan loo xiran wadooyinka Muqdisho.

2- Inuu Qarsoodi u safro, una soo laabto, loona sameyn maamuuskii madaxweyne.

3- Inuusan la-tashi xilalka dowladda ku magacaabin.

4- In laga gaabsado ka hadalka warbaahinta ee dhacdooyinka ammaandarro.

5 – Inuusan soo dhoweysan guddoonada Baarlamaanka, kana dhigan saaxiibo.

5 – Inuusan waqti badan ku lumin qaabilaadda xildhibaanada Baarlamaanka.

6 – Inuusan Xiriri fiican la sameysan maamul Goboleedyada.

7- Inuu dowladda ku soo darin siyaasiyiintii isbedel-doonka ee ay saaxiibada ahaayeen xiligii ololaha doorashada.

8- Inuusan degdeg u booqan dalalka safka hore ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa qaarkood keenay inay kala irdhoobaan madaxda Barlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiin ay hore saaxiibo u ahaayeen, waxaase xusid mudan in laga sugo shaqooyinkii ugu muhiimsanaa sida:

1- La-dagaalanka musuqmaasuqa

2- Sugidda ammaanka (Siiba caasimadda)

3- iyo Soo afjaridda Alshabaab

LEAVE A REPLY