Ciidamada AMISOM oo Qaraxyo Xoogan lagula beegsaday Gobolka Shabellaha Hoose

Ciidamada AMISOM oo Qaraxyo Xoogan lagula beegsaday Gobolka Shabellaha Hoose

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degaanada Caddow Dibile iyo Number 50 oo ka wada tirsan Gobolkaasi ayaa sheegaya in Qaraxyo lagula beegsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Ciidamo ka baxay Magaalada Muqdisho oo ku Wajahnaa Degaanka Shalaanbood ayaa sheegaya in Qarax lagula Beegsaday Degaanka Caddow Dibile ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana ka dhashay Khasaare sida Goobjoogeyaashu ay sheegeen.

Sidoo kale waxaa waxaa Gaari Sahay u siday Ciidamada AMISOM lagu Qarxiyay Degaanka Number 50 Ee isla Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaab ayaa Barahooda Internetka waxaa ay ku sheegeen in ay Dhimasho iyo Dhaawac gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee Qaraxyada lala beegsaday.

LEAVE A REPLY