Ciidamada Itoobiya oo Maanta ka baxay Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud

Ciidamada Itoobiya oo Maanta ka baxay Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaa ay Maanta isaga baxeen Degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa Mudo dhan 3 Sano Maamulayay Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud,waxaana tan iyo Xiligaa Magaalada Ceel-buur ay ku jirtay Go’doon ay saareen Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay Maanta Faarujiyeen Magaalada Ceelbuur,waxaana ay u soo dhaqaaqeen Dhanka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Maanta waxaa Hawada laga saaray Isgaarsiinta Degmada Ceelbuur iyo Tuulooyinka Hoosyimaada,waxaana arrintaas ay la xariirtay sida la sheegay dhaqdhaqaaqa Ciidamada Itoobiya ay Ceelbuur uga baxayeen.

Sababta ka dambeysa bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Ceelbuur ayaan la ogeyn,balse dhowr Jeer ayey Ciidamada Itoobiya ka baxeen Magaalooyin dhowr ah oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliy

LEAVE A REPLY