Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Ceel-buur oo ka gudbay Xadduuda

Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Ceel-buur oo ka gudbay Xadduuda

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya Xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo Siddeed Maalin ka hor ka baxay Magaalada Ceelbuur ay Maanta ka gudbeen Xadka Labada Dal.

Ciidamada ayaa watay gaadiidka Dagaalka oo aad u badan,waxaana Ciidamadaan ay Mudo dhowr Sano ah ay joogeen Gudaha Soomaaliya,kuwaas oo Maalmo ka hor ka baxay Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada Itoobiya aya  isaga baxay Magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY