Cumar Cabdi Rashiid oo Safiir loo Magacabayo, iyo Sarakiil Ka tirsana Dowlada...

Cumar Cabdi Rashiid oo Safiir loo Magacabayo, iyo Sarakiil Ka tirsana Dowlada Somaliya oo Xilka laga Qaday

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaa is bedelo ku sameeyay hoggaanada ciidanka Booliska qeybahooda kala duwan.

Taliyihii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa xilka laga qaaday, iyadoo lagu bedelay Jen, Axmed Xasan Maalin ,Jen. Maalin ayaa horay xilkan u soo qabtay, hase ahaatee waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa Madaxa Hoggaanka howlaha ciidanka Booliska.

Jen. Maxamed Cumar Madaale oo horay isna u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, balse muddooyinkii u dambeeyay howl gab ahaa ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen Saacid ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda is bedel ku sameeyay hoggaanada kale ee Booliska, iyadoo lagu wado in markii u horeysay in Haween madax ka ah Hoggaanada Booliska uu magacaabo.

Dhanka kale Warar hoose oo lagu kalsoonyahay  oo ay helayso Hobyomedia.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo safiirka Turkiga u magacabaayo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid kasoo dhawaanahaan kusugan magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa kulan laqaatay madaxweye Farmaajo isla markaana isku afgarteen in xilkaas u magacaabo waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo tiro safiiro ah oo uu kamid yahay Cumar Cabdi Rashiid.

 

 

LEAVE A REPLY