Daawo -Dhageyso Wasiirka arimaha Gudaha Somaliya oo ay la Socdan Cabdi Qaybdiid iyo Xildhibano kale oo Cadado Soo Gaaray

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa hadda gaaray magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamul Galmudug, Wasiirka ayaa hoggaminayey wafdi isugu jiray wasiiro, Xildhibaano, Saniteero, wuxuuna halkaas u gaaray si uu wadatashi ula yeelan lahaa Madaxda galmudug, Maadama ay socoto qaban qaabo ku aadan Doorashada madaxweynimo ee Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka,  Ku xigeenkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Wasiiro ,Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug  Xareed Cali Xareed oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ka dhawaajiyey inay farxad weyn in watay in safarkii ugu horeeyey ee uu sameeyo wasiirka Arrimaha gudaha uu noqday midka uu Maanta Cadaado ku imaaday, wuxuuna tilmaamay inay wadatashi sameyn doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa oo isna halkaas saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inuu safarkiisii ugu horeeyey ku tago Cadaado isagoo ah wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda ,Wasiirka ayaa sheegay Sidoo kale  inuu Cadaado u imaaday si uu wadatashi iyo xog kala qaadasho ula sameeyo Madaxda Maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements