Daawo Sawirada Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo Wafdfi uu Horkacayay oo Safar...

Daawo Sawirada Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo Wafdfi uu Horkacayay oo Safar aan la Sii Shacin u Tagay Magalada Hobyo

0
SHARE

Wafdi uu Horkacayay Gudomiyaha Gobalka mudug ee Galmudug aya Kormeer Shaqo  Shaqo ku Tagay Magalada Hobyo Waxana ay u kuur Galayeen Arimo badan

Gudoomiyaha Gobalka Mudug aya Qoraal uu soo Saaray Waxa uu u Qorna Sida tan 

Waxaa si habsami leh noogu oo gaba gaboobay socdaal shaqo oo muddo cisho ah ku gaarnay deegaaada dhaca bariga gobolka Mudug, gaar ahaan degmada hobyo iyo nawaaxigeeda.

Ujeedka Socdaalka ayaa ahaa u kuur galka xaaladaha amni ee degmo xeebeedka hobyo kadib markii koox dhalin yara ah ay dhawaan ku afduubteen dooni u rarneyd ganacsato soomaaliyeed taasoo maamulka gobolka iyo kan degmada hobyo iyo waxgaradka ku dhaqan ay ku guuleysteen siideynta doonta iyo shaqaalihii saarnaa, isla markaana soo xireen burcaddii.

Waxaan kulama gaar gaar ah xarunta madaxtooyada GM ee hobyo kula yeelanay Maamulka degmada, Saraakiisha ciidanka nabad galyada, Waxgaradka deegaanka, iyo weliba Ciidamada Midowga Yurub e ku sugan badweyta Hindiya kulkaas oo aan kaga hadalnay sidii aan iska kaashan laheyn taxaalufka iyo kalumeysiga sharci darada ah ee ay qowlaystada shisheeye ku hayaan biyaha soomaaliya gaar ahaan GalMudug, iyo burcad Soomaalali ah oo sheeganayo ciidamada ilaalada xeebaha GalMudug.

Waxaase xusid mudan in deeganka ay jirto abaar ba’an oo ay hala kaysay duunyadii, dadkiina ay la il daran yihiin Macluul iyo Nafaqo daro ka timid abaarta tasoo aan umadda Soomaaliyeed ugu baaqeyno in layska kaashada sidii loo samata bixin lahaa, dadka iyo duuyada inta ka hadhay

Inshallah. Marnaba ALLE na dayici maayo ee aan dadaalno bulshooy isuna gar gaarno

 

Halkan ka daaawo Ku Xirnaw Markasta Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY