Daawo Sawirada Kuuriyada Waqooyi oo Soo Bandhigtay Awoodeeda Malatari, Dunida oo ka...

Daawo Sawirada Kuuriyada Waqooyi oo Soo Bandhigtay Awoodeeda Malatari, Dunida oo ka Walwalsan Dagaal dhax Mara Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya

0
SHARE

Kuuriyada waqooyi ayaa ku soo bandigtay awooddeeda military oo ay ka mid tahay wax u muuqdey gujis cusub oo xambaara gantaalada balastig iyadoo loo dabaaldegayey dhalashadii Kim Il-sung, oo ahaa aasaasihii dalkaasi.

Gantaalaaha ayaa socod lagu marsiiyey xaflad ka dhacday magaalada caasimada ah ee Pyongyang, iyadoo uu daawanayey hogaamiyaha xukunka leader Kim Jong-un oo uu awoowe u yahay madaxeynihii ugu horreeyey.

Bandhigan wuxuu ku soo aaday iyadoo ay kordhayso xiisadda ka aloosan gacanta, xukuumadda Pyongyang waxay mar kale uga digtay Mareykanka in uu joojiyo wax ay ugu yeertay daandaansiga iyo dhaqdhaqaaaqyada taxadar la’aanta ah , waxay ku bixisay digniin inay ku jawaabto duqayn halaag ah.

Dhanka kale Dowlada Shiinaha ayaa ka digay dagaal ka dhex qarxa dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada waqooyi, iyadoo xiisada udhaxeysa labada dal ay cirka isku shareertay.

Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dagaalka aysan cidna ku guuleysaneynin.

Hadalka Mr Wang ayaa yimid maalmo un kaddib markii dowlada Mareykanka ay walaac ka muujisay horumarinta hubka Nukleyrka ee Kuuriyada waqooyi, waxaana Mareykanka uu maraakiib dagaal u diray gacanka kuuriyada

Khilaafka labada dal ayaa yimid kaddib markii dowlada K/waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal taasi oo ka careysiisay dalal ay kamid yihiin Japan iyo Mareykanka.

War laga baahiyay wakaaalada wararka ee dalka kuuriyada waqooyi ayaa looga digay Mareykanka in uu joojiyo dandansiga milateri ee uu wado.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in ay ka jawaabi doonaan ficil walba oo dandansi ah.

Wasiir ku xigeenka arrimha dibada ee dalkaasi Mr Han Song-ryol ayaa isna dhankiisa sheegay in uu rumesanyahay in Madaxweynaha Mareykanka uu wado qorshe uu ku burburinayo dalkiisa.

.

LEAVE A REPLY