Daawo Sawirada Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Shirkad Turkiga...

Daawo Sawirada Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Shirkad Turkiga kala Hadlay Arimo ku Saabsan Dakada Hobyo

0
SHARE

Musharaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ka mida Musharaxiinta Ugu Cad cad Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa Mudooyinkii dambe waday Qorshe lagu hormarinayo Bulshada ku nool Degaanada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Mudane Xaaf ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Company-ga En-Ez construction Turkish company Ee Dalka Turkiga ,waxaana uu la kulmay Madaxda Company,iyadoo uu kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Waxyaabaha uu kala Hadlay Musharax Madaxweyne Xaaf Saraakiisha ugu sar sareysa Company-ga En-Ez construction Turkish company waxaa ka mid ahaa in Degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah kuwo ammaan ah uu Mashaariic hormarineed ka fuliyo si loo hormariyo Bulshada ku Nool Galmudug.

Musharaxa ayaa sidoo kale Kulanka waxaa uu Diiradda ku saaray in Xal loo helo Dekedda Magaalada Hobyo ee Dowladda Galmudug oo hadda Ganacsatada ay dhib ku qabaan Dhoofka iyo soo dejinta Waxyaabaha kala duwan ,iyadoo Mudane Xaaf uu Xusay in loo baahan yahay in Xal KMG loo helo Arrinta Dekedda Hobyo inta la gaaray Balaarinta Dekedda Hobyo,waxaana Musharax Xaaf oo Tilmaamay in ay lagama maarmaan ay tahay in Dadka Reer Galmudug ay hadda u baahan yihiin in Maciishadda u soo degtay ay qiimo jaban ku helaan.

Sidoo kale waxaa uu Xusay in Dib loo howlgelin doono Xarumaha Danta Guud iyo Wadooyinka si Bulshada looga Faa’ideeyo.

Axmed Ducaale Geele Xaaf oo u Taagan Qabashada Xilka Madaxweyne Ee Galmudug ayaa ah Shaqsi Bulshada Galmudug ka Gacan siin kara Hormarinta Arrimaha Bulshada si Dadka Reer Galmudug ay u noqdaan kuwo isku filan,waxaana sidoo kale uu qeyb ka qaatay Hormarinta Bulshada Reer Galmudug gaar ahaan dhanka Tacliinta iyo Caawinta Dadka Saboolka ah.




LEAVE A REPLY