Daawo Sawirada; Sida Gaalkacyo loogu Soo Dhaweyay Prof Shiwac Musharaxa Madaxweynaha Galmudug

Daawo Sawirada; Sida Gaalkacyo loogu Soo Dhaweyay Prof Shiwac Musharaxa Madaxweynaha Galmudug

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Wafdi uu Hogaaminyay Musharax Cabdul Qaadir Shirwac oo u Tagan  in Galmudug uu Madaxweyne ka Noqdo ayaa Maanta Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug iyadoona Garoonka Diyaaradaha Magalada Gaalkacyo ay si wayn ugu Soo Dhaweyeen Masuliyiinta Maamulka galmudug , Odayaal , Waxgarad, Dhalinyaro, Siyaasiyiin  iyo Sidoo kale Bahda Waxbarashada Gobalka Mudug

Gudaha Garoonka  Diyaaradaha Oshaco ayaa Waxa soo buux Dhaafiyay boqolaal Dadweyne oo isaga Kala yimid Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo doonayay in ay ka Qayb galaan Soo Dhawaynta Wafdigaasi .

Diyaarada Siday musharaxa ayaa Markii ay Soo Cago dhigatay garoonka Diyaradaha ayaa Musharaxa Waxa mid mid u gacab Qaaday Shacabki iyo Siyaasiyiintii ku Sugnaa Gudaha Garoonka Diyaaradaha Waxana Sido kale uu Musharaxa  halkasi lagu Gudoonsiyay Ubaxyo iyo Sidoo kale Calanka Soomaliya .

Wafdiga Musharaxa Ayaa kadib loo Soo Galbiyay Gudaha Magaalada Gaalkacyo waxana Munaasabada soo dhawaynta ka qayb Qaadanayay Ciidanka Galmudug oo iyagu guud haan Sugayay Amaanka Garoonka iyo Sidoo kale Amniga guud  Goobaha lagu Qabnayay Soo Dhawaynta Musharax Cabdi Qaadir  Shirwac

Prof C/Qaadir Shirwac aya u Mahad Celiyay Shacabka gaalkacyo sida ay u Doonayan isbadal Cadalad  iyo Sinaan Waxaana uu Balan Qaaday Hadii  uu Galmudug Madaxweyne uu ka noqdo in Deganada Galmudug uu u Horseedi Doono isbadal iyo Sidoo kale Dib u dhis Horumarineed

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY