Daawo Sawirada Wasiirka Maalinyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Xilalka...

Daawo Sawirada Wasiirka Maalinyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Xilalka la Wareegay maanta

0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.

“Ma aqbali doono aniga iyo madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la haray” ayuu si adag u yiri mar kale.

Sidoo kale Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Munaasabad Kooban oo Muqdisho lagu qabtay ayaa Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha uu si toos ah ugu Wareejiyay xilka Wasiirka cusub.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Sanadyadii lasoo dhaafay ay horumar gaartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana uu wasiirka cusub ka codsaday in uu sii Amba qaado howlaha Wasaarada.

IMG_0577IMG_0645IMG_0659IMG_0502IMG_0508

LEAVE A REPLY