Daawo Sawiro Cusub FBI Mareynkan oo Shaaciyay Sawiro Kale oo ku...

Daawo Sawiro Cusub FBI Mareynkan oo Shaaciyay Sawiro Kale oo ku Saabsan weerarkii lagu qaaday Pentagon-ka 11 September 2001

0
SHARE

Sawirro la qaaday ka dib weerarkii lagu qaaday Pentagon-ka 11 September 2001 ayaa dib uga soo muuqday barta FBI-da, 6 sano ka dib markii ugu horreeysay ee la shaaciyey.

Sawirrada oo 27 ka kooban ayaa muujinaya shaqaale dab bakhtiinaya, iyo kooxaha samata bixinta iyo baareyaal baadigoob ka wada burburka.

Duullimaadkii American Airlines 77 ee ka soo duulay Virginia una socday LA ayaa dhismaha ku dhacay 09:37 subaxnimo.

Maamulayaasha Maraykanka waxay sheegeen in dayaaraddu ku dhacday dabaqa 1aad iyo kan 2aad ee Pentagon, oo ay dishay 184 qof.

Jillian Stickels oo ah afhayeenad u hadashay FBI waxay sheegtay in sawirrada markii hore la shaaciyey 2011.

waxay intaa ku dartay in cillad farsamo ay keentay in internetka laga waayo muddo aan la cayimin.

“Markii la ogaaday inaysan ku jirin dib ayaa loo soo galiyey mar kale si ay dadku u arkaan” ayey tiri.

Jawaab degdeg ah

Sawirka waxaa loogu magac daray  
Lahaanshaha sawirkaFBI
Sawirka waxaa loogu magac daray “jawaabta degdegta ah ee Pentagon”
Biyo gaari laga soo tuurayo ayaa dabka lagu damiyey 
Lahaanshaha sawirkaFBI
Biyo gaari laga soo tuurayo ayaa dabka lagu damiyey

Burburka dibadda

Sawirkan waxaa loo bixiyey  
Lahaanshaha sawirkaFBI
Sawirkan waxaa loo bixiyey “dusha Pentagon-ka”
Mishiin u muuqda inuu soo saarayo calanka Maraykanka oo jeex-jeexmay 
Lahaanshaha sawirkaFBI
Mishiin u muuqda inuu soo saarayo calanka Maraykanka oo jeex-jeexmay

Burbur dayaaradeed

Sawirkan wuxuu muujinayaa mid ka mid ah birihii dayaaradda 
Lahaanshaha sawirkaFBI
nSawirkan wuxuu muujinayaa mid ka mid ah birihii dayaaradda
Burburkii dayaaradda 
Lahaanshaha sawirkaFBI
nBurburkii dayaaradda
Lahaanshaha sawirkaFBI
Burburka Pentagon” ayaa loo bixiyey sawirkan

LEAVE A REPLY