Deg Deg Gudiga Doorashada oo Sheegay Tirada Musharaxiinta Galmudug is Diiwan Galiyay...

Deg Deg Gudiga Doorashada oo Sheegay Tirada Musharaxiinta Galmudug is Diiwan Galiyay ,Xogag Hoose oo Shegaya in Musharaxiinta Qaar loo diiday is Diwan Galinta

0
SHARE

Sida ay shaaciyeen Maanta Gudiga Doorashada Madaxwaynaha Galmudug, Waxaa Shuruudihii Musharaxnimo Buuxiyey Sadex Musharax oo u taagan Doorashada Galmudug.

Musharaxiinta Buuxiyey Shuruudaha ayaa kala ah.
1 Axmed Ducaalle Geelle Xaaf
2 Axmed Shariif Hilowle
3 prof Cabdulqadir Shirwac.
Doorashada Madaxwaynaha Galmudug ayaa la filayaa in ay Dhacdo 10ka Bishaan.

Xog hoose  oo la Helay ayaa waxay sheegeysaa in xildhibaan Axmed Macallin Fiqi laga diidey codsigiisii ahaa inuu noqdo musharrax u taagan xilka madadaweynaha maamulka Galmudug.

Fiqi ayaa warqaddiisa u gudbiyey guddiga doorashada, hase ahaatee waxaa loo sheegan inaan laga qaban doonin.

Waxay keentay in Seddax musharrax oo kaliya xilkaasi loo caleema saaro, iyadoo hadda ay muuqaneyso in khilaaf xooggan uu soo baxayo.

Waxaa jiray musharraxiin badan oo loo diidey iney ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha Galmudug, waxayna middaasi muujineysaa in dad gaar ah loo rabo.

Ma Jirto Xog dhab ah oo Muujinaysa in loo Diiday Axmad Macalin Fiqi Balse ilo ka Agdhaw Musharaxaasi ayaa Xogtaasi laga Soo Xigtay

10-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado lagu qabto doorashada madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY