Deg Deg Xildhibaan Goordhaw ku Dhax Geeriooday Gudaha garoonka Adan Cade Wararki...

Deg Deg Xildhibaan Goordhaw ku Dhax Geeriooday Gudaha garoonka Adan Cade Wararki Ugu Danbeyay

0
SHARE

Wararka aan ka heleyno garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee waqtigisa dhamaaday uu goordhaw ku geeriyooday gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanka hore ee geeriyooday oo lagu magacaabo Cali Cumar Nuur ayaa la sheegay in uu u dhintay xanuun dhinaca wadnaha ah, Xildhibaanka ayaana la doonyay in laga duuliyo Muqdisho xaalad caafimaadna loogu qaado dalka dibadiisa.

Maareeye kuxigeenka Garoonka Aadan Cadde C/Raxmaan Gowle ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in garoonka uu ku dhax dhintay Xildhibaan hore Cali Cumar, waxa uuna sheegay in Xildhibaanka uu xanuunsanaa daaweyna loogu qaadi rabay dalka dibadisa.

Allaha u naxariistee Xildhibaan hore Cali Cumar Nuur ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanka hayay xanuunkan uu u geeriyooday ee ka asiibay dhinaca wadnaha.

LEAVE A REPLY