Dhagayso:Ciidanka Badda Galmudug Oo Soo Furtay Laba Doonyood Oo U Afduubnaa Kooxaha...

Dhagayso:Ciidanka Badda Galmudug Oo Soo Furtay Laba Doonyood Oo U Afduubnaa Kooxaha Burca Badeeda

0
SHARE

Ciidamada badda galmudug ayaa weerar bad iyo bari ah ku qaaday kooxaha burca badeeda soomaalida oo duleedka deegaanka ceelhuur ee gobalka mudug ku haystay laba doonyood oo mid ay ahayd dooni ganacsi halka tan kalana ay ahayd dooni kaluumaysi

Ciidanka galmudug ayaa gacanta kooxaha burca badeeda xoog ugu soo furtay labadaasi doonyood iyo qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa halka tiro ka mid ah shaqaalaha doonyahaasi saarnaa oo ay dhulka miyiga ah la aadeen kooxaha burcadu ay ciidanku wali ku daba jiraan , C/naasir diiriye xalane taliyaha howgalada ciidamada galmudug oo waraysi siiyay idaacada codkamudug ee magaalada gaalkacyo ayaa sheegay in ciidanka galmudug ay ku guulaysteen dagaalkii ay ku qaadeen kooxaha burca badeeda wuxuuna sheegay in uusan jirin wax qasaara ah oo weerarkaasi ka dhashay

Hoos Ka Dhagayso Waraysi Taliyaha Howgalada Ciidanka Galmuudg Uu La Yeeshay Wariye Mahad daahir Maxamed [America]

LEAVE A REPLY