Dhagayso+Sawiro Idaacadda Codkamudug oo Gurmad Biyo Dhaamin Ah u Sameesay Dadka Ay...

Dhagayso+Sawiro Idaacadda Codkamudug oo Gurmad Biyo Dhaamin Ah u Sameesay Dadka Ay Abaauruhu Saameyeen

0
SHARE

Idaacadda Codkamudug  Ayaa horraantan waxaa ay bilaabeen Barnaamij
loogu magic-daray Gurmad iyo Gargaar Walaal looguna gurmanayo dadka
Soomaaliyeed ee abaaruhu ay ku saameeyeen deegaano Ka Tirsan Gobolka
Mudug oo Ka Mid Ah Gobolada Ay Aadka U Taabay Abaartu.

Barnaamijkan Gurmadka ah ayaa waxaa Kaalinta ugu weyn ku leh
dhageystayaasha Idaacadda Codkamudug ee Gaalkacyo oo iyagu ka
qaybqaata Barnaamijka.

Wariyaal Ka Tirsan idaacada Codkamudug oo Kormeer Ku Maray Deegaanada
Gobolka Mudug Ayaa Waxa Ay Soo Qiimeeyan Xaalada Adag ee Nololeed ee
Ka Jira Deegaanada Gobolka Mudug islamarkaana Haysta Dadka Reer
Galmudug ,Waxaana Durba  Ay idaacadu Garatay inay Bilowdo Barnaamij
Loogu Magac Daray Gurmad iyo Gar gaar Walaal oo Dhagaystayaasha Ay
Kaalinta Ugu Muhiimsan Ku Leeyihiin.

idaacada Ayaa Dhagaystayaasha Ka Uruurisay Lacag Dhan 800$  Taasi Oo
Maanta Ay Gurmad Biyo Dhaamin Ah uugu Sameesay Dadka Tabaalaysan.

Deegaanada Abaartu Saameesay ee Idaacadu Ay Gaarsiisay Waxaa Ka Mid Ah
:Soone Taaroge ilaa Saxqurun, Buulaley,Qeydar Dhuunte Kalmurjeen ilaa
Qooraseen.

Soone Ceeldheere ,Qabrifiigal,Garowde,Labi Sadex,Sanqoroxeed iyo
Deegaano Dhowr Ah oo Gaajo iyo Haraad Ay Ka Jiraan.

Agaasimaha Codkamudug Hanad Abdi Farah Ayaa Sheegay in Gurmadkan
idaacadu Ay Bilowday uu Yahay Wareegi Koowaad islamarkaana idaacadu Ay
Sii Wadi Doonto Dadaalka Ay Ugu Jirto Sidii Gurmad Dhan Walba Ah Loogu
Sameen Lahaa Dadka Tabaalaysan ee Abaartu Ay Aadka u Saameesay.

Xirsi Yuusuf Bare Maayarka Gaalkacyo Ayaa idaacada Ku Amaanay Kaalinta
Ay Ku Dhexleedahay u Gar gaarida Bulshada Waxaana uu Baraarujiyay
Barnaamijkan Asagoona Ugu Baaqay Walalaha Somaliyeed ee Wax Haysta Ay
inay iyaguna u Gar Gaaran Dadka Reer Galmudug ee Tabaalaysan.

Burhaan C/laahi Xaashi oo Ah Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka
Mudug Ayaa Ku Baraarujiyay idaacada Gobolka Ku Yaala inay Codkamudug
Ku Daydaan Ayna Caawiyaan Walalahooda Dhibaatesan.

Qaar Ka Mid Ah Waxgaradka Deegaanada Biyo Dhaaminta Laga Sameeyay Ayaa
Aad ugu Mahad Celiyay idaacada Codkamudug Waxaana Ay Dalbadeen inaan
intaan Looga Harin oo Lasoo Gar Gaaro Madaama Dadka Deeganaas Kunool
Ay Abaarta Ku Ceertoobeen Noloshoodana Ay Adag Taha

Nembarada Hoose Riix si aad Codka u Dhageysato

170403_001

LEAVE A REPLY