DHAGAYSO:Xildhibaanada oo ku dhegan Madaxwene Farmaajo & Boqol Xildhibaan oo ka qeyb...

DHAGAYSO:Xildhibaanada oo ku dhegan Madaxwene Farmaajo & Boqol Xildhibaan oo ka qeyb gashay Kulan ka dhan ah Taliyaasha Cusub iyo Duqa Muqdisho

0
SHARE

Xildhibaanadii ugu badnaa oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor yimid Magacaabidii taliyaasha ciidamada iyo duqa magaaladda Muqdisho ee uu madaxweyne Farmaajo shalay sameeyay.

Xildhibaanada oo kulan aan caadi aheyn xalay ku yeeshay labo hoteel oo Muqdisho ku yaal ayaa waxaa ay sheegeen iney aad uga xun yihiin in madaxweynaha uu dalka ku celiyo xaalad sanado badan kahor laga soo gudbay,

Xildhibaanada kasoo horjeeda magacaabida taliyaasha ciidamada iyo duqa Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa iney ka badan yihiin ilaa boqol mudane,Axmed Mayow Cabdulle oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeeda magacaabida madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay iney aad uga niyad jabsan yihiin qaabka uu wax umaamulayo madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Dhageyso Codka 

 

LEAVE A REPLY