Dhageyso Galmudug oo Cadaysay in Puntland aysan Dhisan Karin Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,...

Dhageyso Galmudug oo Cadaysay in Puntland aysan Dhisan Karin Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, Xalada oo Wali Cakiran iyo Ciidamada Labada oo is hor fadhiya

0
SHARE

HM__Xafiiska  Gaalkacyo Gudoomiye ku xigeenka gobalka mudug ee galmudug cabdi xuseen  ayaa sheegay in galmudug ay kasoo horjeedo dhisamaha la doonayo in 15 ka bishaan april lagu bilaabo garoonka diyaaradaha gaalkacyo oo ay dhistay dawladii dhexe ee soomaaliya.
Cabdi xuseen ayaa sheegay in garoonku uu yahay mid ka dhexeeya dhamaan dadka gobalka mudug cid gaar ahna aysan dhisan karin wuxuuna arinta dhismaha garoonka ku tilmaamay xiisad cusub oo gobalka laga abuurayo.

Garoonka Gaalkacyo aya ahaa Mid waligiis  lagu Muransana oo aan Xal laga Gaari arintasi Waxase arintan ay  ku soo  beegmaysa Xili Dhawaan gaalkacyo dadka ku nool ay ka soo kabsadeen dagaal iyo qax ka dhashay dagalo culus oo gaalkacyo ka dhacay kaasi oo  u dhaxeyay labada dhinac ee galmudug iyo puntland.

Hoos Ka Dhagayso waraysiga

LEAVE A REPLY