Dhageyso Maxa ku Soo Kordhay Wararka la xirira Arinta la isku hayo...

Dhageyso Maxa ku Soo Kordhay Wararka la xirira Arinta la isku hayo Garoonka Diyaradha Gaalkacyo, iyo Madax kale oo Beniyay xiisada Gaalkacyo

0
SHARE

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan ayaa faah faahin dheer ka bixiyay xaaladda amaan ee guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka, waxaana uu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee magaalada Gaalkacyo ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana Ciidamada Amaanka iyo shacabk ay si wadajir ah isaga kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada.

Guddoomiye Cartan dhanka kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in laga been sheego xaaladda magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay wax kama jiraan yihiin warar lagu baahiyay 48dii saac ee u danbeysay baraha bulshada, kuwaasi oo lagu sheegay in xiisado coladeed ay ka jiraan magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY