Dhageyso Wasiirka Amniga Cusub ee Dowlada Fadaraalka Soomaliya oo Go,aan adag Qaatay...

Dhageyso Wasiirka Amniga Cusub ee Dowlada Fadaraalka Soomaliya oo Go,aan adag Qaatay Amarna Ku Bixiyay in..

0
SHARE

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta amartay in la qaado dhagaxaanta lagu jaray wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay shaqada ugu horeysa ee Wasaaradda Amniga ay qabato in ay tahay in la qaado dhagaxaanta lagu jaray wadooyinka Muqidsho.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasaaradda in iyada ay iska bilowday in ay iska qaado dhagaxaanta xarunteeda ku hareereysnaa, waxaana xigi doona dhagaxaanta yaalla wadooyinka Muqdisho qaarkooda.

 Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY