Faah-faahin Hor dhac ah Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay...

Faah-faahin Hor dhac ah Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Muqdisho

0
SHARE

Nin soo Xirtay Tuutaha Milatariga Soomaaliya ayaa isku Qarxiyay Guri ay ku shirsanaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo ku yaalla Warshaddii hore ee Nac-naca ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 10 Qof oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidan ayaa ku dhintay Weerarka Isqarxinta ah,waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

Radio Kulmiye ayaa helay Magacyada Saraakiil ku dhintay Qaraxa Ismiidaaminta ah,waxaana ka mida, G/dhexe Abuukar Dheere iyo Labo-Xiddigle Macalin C/kariin ,Kabtan Bilaawe cadde iyo  Kabtan Badri Sheekh Aadan Madaxii Tababarada Ciidanka Degan Xerada Warshaddii hore ee Nac-naca.

Askaritii iyo Saraakiishii ku dhaawacmay Weerarka Isqarxinta ah ee uu Fuliyay Ninka soo xirtay Tuutaha Milatariga ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxa,waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 24 Askari iyo Saraakiil Ciidan.

Qaraxa Maanta ayaa imaanaya Xilli Saakay Qaraxa loogu Xiray Gaarigiisa uu ku dhintay Sargaal ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,iyadoo Shalay sidoo kale uu ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Qarax Shacab badan ay ku Hoobteen.

LEAVE A REPLY