Faah Faahin MD Farmaajo oo xilka qaadis ku sameeyay Mid kamid ah...

Faah Faahin MD Farmaajo oo xilka qaadis ku sameeyay Mid kamid ah Taliyaasha Ciidamada xooga dalka+Magaciisa

0
SHARE

Taliyihii dhinaca saadka ee ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in lagu sameeyay xilka qaadis iyadoo la magacaabayo taliye cusub.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad.com usheegay in madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaaday Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Macalin Nuur.

Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaa xilkaani hayay muddo ku dhow Todobo sano, iyadoo uu xilka qabtay xiligii dalka ay ka talineysay dowladii uu Hogaaminaayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaa la dhashay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur, taa oo sabab looga dhigay xil ka qaadistiisa.

Xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaan wali loo magacaabin shaqsi kale waxaana la sheegayaa in magacaabida xilkaasi lagala tashan doono Madaxweynaha iyo Wasiirga Difaaca Xukuumada Somalia.

Qorshaha xilka looga qaaday Jen. C/llaahi Macalin Nuur, ayaa qeyb ka ah Isbedel ay wado DFS oo dhawaan lagu sameeyay Mas’uuliyiin dhowr ah oo qaarkood aan wali loo dhiibin xilal kale.

Madaxweynaha DFS ayaa dhawaan ku dhawaaqay xaalad dagaal oo ka dhan ah AlShabaab, taas oo soo dadajisay in isbadal lagu sameeyo taliska dhanka Saadka ee ciidamada xoogga dalka

LEAVE A REPLY