Faah Faahino Dagaal culus oo ka dhacay Degan u Dhaw Degmada...

Faah Faahino Dagaal culus oo ka dhacay Degan u Dhaw Degmada Hobyo

0
SHARE

Wararka ka imaanaya deegaanka lagu magacaabo Qaraarow oo hoostaga degmada Hobyo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay Koox burcad badeed ah iyo Ciidamada Maamulka Galmudug.

Wararka deegaankaas laga helayo ayaa sheega in ciidamo wada jira ay gaareen Deegaanka Qararow oo lagu tuhmayay in burcadda ay lasoo aadeen shaaqale u afduubnaa hase ahaatee kooxihii burcadda ahaa ayaa la sheegay inay weerar kala hortageen ciidamadii Galmudug.

Ilaa hadda lama soo sheegeen khasaare ka dhashay weerarkaas iyo in lasoo furtay shaqaalaha kuwaas oo u dhashay Dalka Hindiya hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay in uu socdo baadi goob loogu jiro kooxihii afduubka uhaystay ajaanibta.

LEAVE A REPLY