Kooxo burcad baddeed Soomaali ah oo gacanta ku dhiggay markab laga leeyahay...

Kooxo burcad baddeed Soomaali ah oo gacanta ku dhiggay markab laga leeyahay dalka Hindiya.

0
SHARE

Warbaahinta dalka Hindiya, ayaa tabisay markabka xamuulka ah in laga afduubtay Gacan Cadmeed, waxanna la sheegay markabka inuu kasoo ambabaxay magaalada Dubai ee dalka Isutaggaa Imaaraadka Carabta.

 

Dowladda Hinda, ayaa xaqiijisay kooxo burcad baddeed Soomaali ah inay afduubteen markab laga leeyahay dalkeedda, warka waxa uu intaa ku darayaa markabka oo ay la socdeen 11 shaqaalle ah in gacanta lagu dhigay shalay oo Axad aheyd.

 

Waxa loo badinayaa in markabkan lala soo aaday xeebaha dalka Soomaaliya, waxanna uu ku sii jeeday dekadda magaalada Mukala ee dalka Yamen.

 

Bil ka hor ayey aheyd markii kooxo burcad baddeed Soomaali ah ay gacanta ku dhiggeen markab shidaal oo uu ka dul babanayay calanka waddanka Srilanka.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 2014, waxaa aad u siiyaraanayay falalka ay geystaan kooxaha burcad baddeeda Soomaalida.

LEAVE A REPLY