Maxa ka Jira in Maaxweyne Farmaajo uu Magacabayo Sarakiil uu ka Mid...

Maxa ka Jira in Maaxweyne Farmaajo uu Magacabayo Sarakiil uu ka Mid Yahay Gen. Yuusuf Indha-cadde?

0
SHARE

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo taliyaha cusub ee ciidamada xoogga ay wadaan isbedel lagu sameynayo taliyeyaasha iyo hogaannada ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan xilalka ka qaaday taliyeyaasha ciidamada ayaa si gaara xoogga u saaraya dib u habeynta saraakiisha ciidamada iyo hogaannada kala duwan, waxaana la sheegay inuu kulamo gaara a yeeshay saraakiil gaareysa 9 oo hore ula soo shaqeeyay.

Saraakiisha xilalka loo magacaabayo ee uu daneynayo madaxweyne Farmaajo waxaa ugu horeeya Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo hore  u soo noqday wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, lana soo shaqeeyay Farmaajo xilligii uu haa Ra’iisal wasaaraha 2011.

Madaxweynaha ayaa xafldii xuska 57 guurada ciidamada xooggga u yeeray dhammaan saraakiishii ay hore u wada shaqeeyeen oo uu ka dhex muuqday Gen. Indha-cadde isagoo sheegay inay yihiin raggii Xamar ka saaray Alshabaab

LEAVE A REPLY